Ragu waa isku wada mid !!




Ragu waa isku wada mid !!


Intee oo jeer ayaad aragtay qof dumara oo ku leh ragu waa isku wada mid ?

Gabadhu iyada oo uu kasoo burburay xidhiidh hore, nin horana uu balan been ah iyo niyad jab uso ge’aystay, Lana daala dhacaysa oo muuqeedii iyo jidhkeediiba is badalay, oo dadka ka baqata wehelna ka dhigataa heesaha iyo qolkeeda madow ee aanay cidna arkaynin ooyinteeda iyo is badalkeeda, dawooyin ay cuntana ayna jirin, muhiimada oo dhan siisa xasuusta qofkii ka tagay ee dhaawacay.

Iyada oo xalada noocasi ku sugan, ayuu qof iyada jecel ama damac kaga jira laso hadlayaa, way dhibsanaysaa intay la hadlayso, laakiin waxay tusaysaa wanag iyo in ay raali ka tahay in ay wada hadlan, wakaaso isagiina damaciisii wuu sii baladhay’ oo wakaa maalino dhan soo garacay ee u sheekeyay, haday doonaana balamay ee isku raacay caweys” iyo casho.

Waxaa laga yaaba inay qofkaasi ay ka aragto naxariis iyo wanaag badan, iyo inuu wakhti ay dhawaceedi ku iloowdo uu siyay, farxad iyo maalimo qurux badana ay wada qaateen, ayay qofkaasi ka aqbashaa in uu nolosheeda kuso biiro, waxaayna u sheegta in qof hore soo xumeyay oo anay rabin in ay mar kale niyad jabto ama dhawacanto ee uu ilaashado.

Isaguna wuxuu balan ku qadayaa in uu ilaashan doono,, wuxuu u balan qaadayaa isagoo u sheegayaa In uu noqon doono mid si fiican qalbigeeda iyo nolosheedaba u ilaalin doona, wax kaste oo ay soo martayna ay ku ilaawi doonto faraxada iyo jacaylka uu siin doono isagu, dadkuna ayna isku mid ahayne isaga qalbigeeda ay siiso, waxbana ayna ka hagrane ay aamintoo isaga.

Iyaduna wataas oo way aamiintay ileen waa dumare, “dumarku waa sida ilmo yar oo intaad dishay hadana aad ka oohisay, hadana aad laabta galisay, ee Wixii aad ku sameysay oo dhan iska ilaaway “

Waxaa u bilaama maalimo aad u qurux badan, rajo iyo yididiidlo ayaa mar labaad qalbigeeda ku abuurma,dalxiisyo iyo jawiyo xasuus leh ayaa la wada galayaa iyagoo wada jira , intaa maalimahaa farxada leh lagu jiro wataa balamo iyo arimo meel laysa dhigay ee wax walba u eekaden wax waaraya oo dhaboobayaa, gabadhiina wataa aamintay ee mar kale hami iyo damac galay ee qof fiican inay heshay mooda , wataa niyadeedi iyo nolosheediba qofkaasi u hibeeysay,si kalsooni lehna waxay u qadatay in uu hogaamiyaha nolosheeda uu yahay .

Marka ay lix bilood ama sanaad,ama labo sanaba iska dheh, si fiican loo soo wada socday oo faraxad iyo maalimo xasuuso lehba la wada qatay , ayaa wiilkii iska tagayaa ‘ bilaabayaa inuu dib u gurasho sameeyo, balamihii iyo wixi uu sameyn jiray oo dhanba is badalaya, wuxuu si cad hal mar u burburinayaa rajo uu ku beeray qalbi si shuruud la’aana u jecladay oo u aaminay ,

Inantiina xaaladii ay markii hore ku jirtay mid ka daran ayay galaysaa , qofkii hore oo ay ilowday ayay soo xasuusanaysaa wuxuu ku sameyay iyo kan dambena waxa uu ku sameyay “ Wataaa iyadoo garan la’a waxay tiraahdo hal mar si xaqiiqa u aaminaysa kalmada

: ragu waa isku wada mid

Xagaa waxay ku joojinaysaa in ay nin dambe aaminto waayo, kuwii dahab iyo luulba tahay odhan jiray ee niyadeeda yididiilada iyo rajada ku beerayba wakuwaa dhawacay ee ka tagaye, Mar kaste oo ay la kulantana qof iyada uso dhawanayaa waxay ogaataa oo ay soo xasuusataa in ragu isku wada mid yihiin .

Hadad la kulantaan gabadh, idin leh ragu waa isku wada mid ha la yaabina, waa runteed oo ragba kuwii ay ka aragtay ayaa noqday kuwiinii ugu xumaa, waa kuwii ka qaatay farxadeedi , kalsoonideedi, dadnimadeedi ay cid walba tusi jirtay, waa kuwii ka dhigay inay dadka ka dhex baxdo oo kali socod ay noqoto, Qalbiga dumarku waayuhu ma dooriyaan, xilliyadana islama baddelo, qalbiga haweenayda wax badan ayuu diriraa balse ma dhinto , oo Isago kun jeer dhawacmay ayay hadana rajo kale sugaysa,

Marka dareemada dumarka ragow ha la ilaaliyo.🥹

Macalsalaama


Post a Comment

0 Comments