Ha qaadin balan !

 Ha qaadin balan !



Qof aad tustay inaad tahay garabkiisa, sheegtay una balan qaaday in aanu jirin shay kaa mashquulin karaa ama aad ku doorsan doonta in aanu jirin, wakhtigaaga iyo dadaalkagana aad ku bixiso inaad qofkaasi soo dhawaysto oo aad qalbigisa hantido,


isaguna uu soo istaago meeshad la rabtay, si hagrasho la’aanana uu isku kaa wada siiyo kuna aamino, jacaylka uu ku qabanaa wax shuruuda una ku xidhin oo uu balan kaste uga soo baxo si runa, xidhiidhkinana uu u arko mid dhaba.


Oo intaad dhayalsato aad si yaro fudud uga baxdo balantii iyo wax walba oo aad u sheegtay, markaad si yaro fuduud aad u tusto inanad ahayn qofkii aad isku tilmaamtay, qalbigiisa waxaad si kadisa ugu ridaysaa cudurka la idhaahdo qoomamo iyo filan wa’aa ,

waxaa si dhib yar aad u balan qaaday ayaa noqon kartaa wax qof dhan noloshiisa raad xun ku reebta, kuna kaliftaa in aanu qof dambe aaminad ku qabin isago ka baqanayaa in uu mar kale galo xaalad anuu garaynin siduu uga bixi lahaa, Waxaa qasaab ah xataa haduu la kulmo qofkiisii saxda ahaa in uu baqasho ka qabo in uu isaguna uu kula kaco falkii aad kula kacday oo kale,

Post a Comment

0 Comments