Sakhradda qabyaaladdu waa ta noocan ah, isagoo laga yaabo in uu yahay xoogsade,muruq maal ah amaba aan camal lahayn,hanti uu ku kaaftoomana lahayn.
Ayaa wuxuu ku faanayaa fooqyo niman qayrkii ahi dhisteen oo uu laabta u garaacdaa,laga yaabaa in uu ku noolyahay kiro ama hantiilaba ha ahaadee waa uun ku dan gaadh.
Waxba muu baran, yaanu kansho u helin ama haka saaqidee,waxa uu ku faanaa nin waxbartay isagoo magaca iskugu tallaalaya iyo inay tol yihiin, hadda aqoontana waa barasho.
Noocyada maandooriyaha ee ugu sakhradda badan ayay kaalmaha hore kaga jirtaa qabyaaladdu
0 Comments