Sidee loo daaweeyaa?
• Badal nolol-maalmeedkaaga: samey jimicsi, iska yarey welwelka, noqo qof faraxsan, adkey murqahaaga miskaha adigoo sameeya jimicsiga “Kegel”.
• Badal xiriirka iyo wada noolaansha idinka dhaxeeyo adigoo xalliyo khilaafaadka ka jira dhexdiinna, isku noqdo kuwo daacad isku ah oo ka wada hadlo arrimo kasta oo dhex-yaalla, midkiinna kan kale ha uga sheekeyo waxay uu jecelyahay iyo waxa uusan jecleyn.
Raadi la talin ku aadan arrimahiinna haddii ay jiraan qof aad labadiinnaba ku kalsoon tihiin oo khibrad u leh arrimahaan.
Waqti yaanan loo yeeli xilliga aad is damceysaan maxaa yeelay tan waxay nolosha ka dhigeysaa mid caajis badan.
Aqoon dheeraad ah u yeelo noloshiinna galmood iyo sida aad uga faa'iieysan kartaan fursadaha jira, tusaale ahaan akhrista buugaagta ka hadasha arrimahaan la xiriira guurka iyo wada-noolaanshaha.
• Daawooyin ayaa jira kaa caawin kara arintaan taasoo marka ugu horeyso qasab ay tahay in meesha laga saaro haddii uu jirod cudur kaa hortaagan rabitaankaaga iyo himadaada sida aan kor ku soo xusnayba.
Haddi aadan qabin cudur jir ahaaneed ama nafsaani ah labadaba oo kuu keenay dhibaatadaan wuxuu dhakhtarkaaga kuu qori doonaa daawooyin sare u qaada hormoonnadaada khaas ahaan kuwa aan soo sheegnay ee Estrogen iyo Testosterone.
Is caawin iyo Is gacan-qabasho:
Haddii kacsiga uu yaraado qof ka mid ah labadiinna waa wax la fahmi karo in dhigga kale uu dareemo murugo ama uu dhibsado nolosha, sidaa awgeed waxaa talo ahaan idin siinayaa in aad xoogga saartaan sidii aad sare ugu qaadi laheedeen kalgacalkiinna iyo xiriirkiinna taasoo ugu dambeyntii saameyn weyn ku yeelan karto rabitaankiinna galmood,
isku day in aadan fikirkaaga badankiisa aadan saarin galmo iyo wax la xiriira toona, ku dadaal in aad nafaqyso oo koolkooliso xiriirkiinna idinkoo qaab noloshiinna wax yar ka badala oo ka baxa rootiinka.17910:31
0 Comments