Dib-u-dhigistu waa qabashadda
hawlaha fudud ee farxadda ku siinaya
sida facebook, youtube, cuntada iwm.
Adoo dib-dhigaya kana cararaya
hawlaha muhiimkaa ee farxadda yar
aad ka helayso.
Waxaad wax u dib dhigtaa ma ahan in
aad caajislaw tahay balse waxaa kugu
sababaya labadaan qodob:
1) Waxaa kaa maqan dhiirigalintii
2) waxaad fududaysatay hawshu
dadaalkay u baahan tahay
In aad fududaysato hawsho, waxaa
keenaya waxaa ku fakaraysaa
shaqsiyadaada mustaqbalka, adoo
halmaamaya shaqsiyadaada hadda aad
leedahay.
Shaqsiyadaada mustaqbalku markasta
waxay u muuqataa mid awood badan
oo wax kasta si fudud u qaban karta.
Sidaa daraadeed, shaqsiyaada
mustaqbalku way ku siraysaa, waana
cadaw qarsoon oo ay tahay in aad la
dagaalanto.
Tusaale, marka aan eegno cunida
cunto dheelitiran oo caafimaad leh,
haddana aad cuntid cuntooyinka fudud
oo aan dheelitirnayn, dufanka iyo
sonkortuna ku badan tahay,
shaqsiyaada mustaqbalku, waxay ku
leedahay ‗iska cun, hadhawtaad cunto
dheelitiran cuni doontaaye‘
Sirta 4-aad waa ‘Dib-u-dhigidda
waxaa looga guulaysan karaa marka
aad yeelatid hab aad ku ku garaacdo
shaqsiyadaada mustaqbalka, taasoo
aan lagu aamini Karin qabashadda
hawlaha muhiimkaa’
Sidee loo burburiyaa dib-udhigista?
1) Waxaad sameysaa,waxa
shaqsiyadaada mustaqbalku kuu
sheegayso badelkeeda. Tusaale, waxay
ku tiri ‗Iska daawo Tv-ga‘ waxaad
samaysaa cagsigeeda, waxaad
bilawdaa aqriska bug, tv-giina dami
ama rimuutka batariga ka saar oo qol
kale gee‘
2) Sawiro xanuunka aad dareemi
doonto haddii aadan qaban hawshaas
iyo farxadda aad dareemi doonto
haddii aad qabato hawshaas.
3) waxaad samaysataa saaxiib kula
xisaabtama. Saaxiibkaas waxaad u
sheegaysaa waxa aad qaban rabto,
wuxuu kaa kaalmeynayaa in uu ku
weydiiyo hawshii ma qabatay?
In aan jabino balamaha nafsadeena
wey fududahay balse in aan burino
balamaha aan qof kale ka qaadnay ma
fududa oo waxaan dareemaynaa
nacasnimo. Sidoo kalena, waxaa na
fuulaya cadaadis ah in aan hawshaas
qabano.
4) Abaalmarin iyo Ciqaab. Waxaad
nafsadaada u sheegtaa qasaaraha ku
soo gaaraya haddii aadan hawshaas
qaban. Sidoo kale, u balan qaad
nafsadaada in aad siinayso abaalmarin
haddii aad hawshaas ku guulaysato.
Tusaale, haddii aan shan buug
dhameeyo, waxaan dalxiis u aadayaa
xeebta.
5) La sheekayso nafsadaada. Marar
qaar waxaa dhici kara, in aad ku
fakaryso shaqsidaada mustaqbalka,
islmarkaasna ay shaqsiyadaada hadda
ku mashquulinayso. Sidaa daraadeed,
la hadal nafsadaada oo xasuusi kaad
tahay. Tusaale, waxaan ahay halabuure ganacsi, waxaan ahay qoraa,
waxaa ahay qof nidaamsan. Waxaan
ahay tababare sare. Waxaan ahay la
taliye sare.
Kala saaridda waqtigu waa muhiim.
Waqtiga shaqadu waa in uu noqdaa
mid gaar ah oo meel uu ka bilawdo
iyo meel u ku dhamaado leh.
Waqtiga shaqadu markuu dhamaado,
waa in aad joojisaa shaqadii oo
bilawdaa hawlihii kale ee kuu
qorsheysnaa, taasi waxay kaa
saacidaysaa (kaalmaynaysaa) in aadan
wax walaac ah dareemin.
Cilmi-baaris ayaa sheegaysa ‗dadka ka
taga shaqada waqti joogto ah maalin
kasta aad bay u yartahay in ay
dareemaan walaac xilliga dambe ee
habeenkii‘
Sirta 5-aad waxay tahay ‘Waa in aad
aqbasho xaqiiqda ah in markasta ay
jirayso shaqo dheeraad ah oo u
baahan in la qabto’
0 Comments