Adeer waxa hawada galinaya ma ahan midabkeeda ee waa hawada gudeheeda ku jirta
Waxaa jiray nin iibin jiray buufinta caruurta. Markii iibsashada buufintu hoos u dhacdo, wuxuu buufin jiray mid ka mid ah, ka dibna hawada ayuu ku siidayn jiray si ay caruurtu u arkaan oo ay waalidkood uga codsadaan in ay buufin u soo iibiyaan. Maalintii dambe ayaa wiil yar u yimid ninkii buufinta gadayay waxa uuna ku yiri ―adeer hadii buufin madow la buufiyo hawada ma u gali kartaa sida mida buluuga ah ay hawada ugu kacday?‖ Ninkii waxa uu yiri ― adeer waxa hawada galinaya ma ahan midabkeeda ee waa hawada gudeheeda ku jirta‖ Qofku waxa uu meel sare ku gaaraa ma ahan shahaadada uu haysto ama aqoonta uu bartay balse waxa uu meel sare ku gaaraa waa dhaqanka, xeeladaha, siraha, xirfadaha iyo xikmadaha uu hantiyey. Buugaan wuxuu soo koobayaa 15 sirood ee dadka guulaystay ka ogyihiin maareynta waqtiga. Waqtigu waa hantida ugu qaalisan, uguna yar ee dunida taala. Haddii aadan ku mashquulsanayn ka shaqaynta iyo u adeegsiga waqtigaaga hadafyo aad leedahay, waxaad ka shaqayn doontaa, waqtigaagana u isticmaali doontaa hirgalinta iyo rumeynta hadafyo qofka kale leeyahay. Haddii aad eryatid ama cayrsatid labo bakayle midna qaban maysid, oo loo la jeedo, haddii aadan waqtigaaga kala qorsheyn oo aadan u adeegsan kaliya waxa muhiimka ah, guul gaari maysid. Dadka dunida qaabeeya ee hormarka sare gaaray, waxay yiraahdaan ‗MAYA‘ shay kasta oo aan taageereyn hadafka ay hiigsanayaan. ‗Diiradsaariddu waa dhihidda MAYA‘
0 Comments